Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Howlgallo culus oo caawa ka socda magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online)– Ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida Galmudug ayaa caawa howlgal ballaaran ka bilaabay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Howlgalkaan oo lagu baarayo gaadiidka iyo dadka isticmaala wadooyinka magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah mid lagu xaqiijinaayo amniga magaaladaasi oo horay looga saaray kooxda culumada suufiyada Ahlu Sunna Waljameeca.

Gudaha magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu arkayaa ciidamo tira badan oo gaaf wareegaya wadooyinka iyo xaafadaha magaalada.

Lama oga sababta xiligaan howlgal noocaan ah laga fuliyo Dhuusamareeb, hase ahaatee maalmihii u danbeeyay ayaa waxay dadka ka cabanayeen isbaarooyin gudaha magaalada iyo bannaankeeda maliishiyo hubeysan dhigteen gaadiidkana lacago baad ah ugu qaadanayay.howlgal-dhmareeb-2.jpg?resize=696%2C464& howlgal-dhmareeb-3.jpg?resize=696%2C464&howlgal-dhmareeb-1.jpg?resize=696%2C464&

The post Sawirro: Howlgallo culus oo caawa ka socda magaalada Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this