Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Taliye Xijaar oo mar kale ka hadlay amniga doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka ee boolisku uu ka howlgalo.

Taliye Xijaar ayaa ciidamada booliska Soomaaliyeed ku amaanay sida ay ugu guleysteen inay sugaan ammaanka doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo bisha Ramadaan oo Al-Shabaab ay kordhi jireen weerarradooda.

Xijaar ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliya, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta sugidda amniga guud ee dalka, looguna mahad celinayey ciidanka booliska ee sugay amniga doorashooyinka.

Taliye Xijaar ayaa ku bogaadiyey dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed faray in ay si weyn isugu diyaariyaan dhammaystirka inta ka dhiman sugidda amniga doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa adkaynta amniga maalmaha Ciidda ee inagu soo aadan, si buu yiri shacabka Soomaaliyeed ay farxad iyo nabad galyo ugu ciidaan, loogana hortago dhagaraha ay maleegayaan kuwa lidka ku ah amniga dalka iyo kan shacabka Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa dhawaan weji gabax kala kulmay go’aan uu isku deyey inuu ku hor istaago doorashooyinkii guddoonka golaha shacabka ee Muqdisho ka dhacay 27-kii ilaa 28-kii bishaan, kaas oo aan meel marin, cambaareyn adagna uu kala kulmay.

Sidoo kale wasiirka Amiga Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa Taliye Xijaar shaqo ka joojin ku sameeyey habeenkii ugu dambeeyey ee uu isku deyey inuu hor istaago doorashada, inkastoo dib laga xaliyey arintaas sida ay xaqiijiyeen xubno xog ogaal u ah.

Hoos ka daawo hadal jeedintii Xijaar  

The post Daawo: Taliye Xijaar oo mar kale ka hadlay amniga doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this