Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF Soomaaliya oo go’aan rasmi ah ka soo saartay dhamaadka Ramadaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasaaradda awqaafta iyi arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay go’aanka rasmiga ah ee bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo berri la buuxinayo 30-ka bisha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda diinta Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in ilaa fiidkii hore ee caawa ay ku howlanaayeen xaqiijinta bilashada bisha Soon-fur.

Xiriiro badan ayuu sheegay inay la sameeyeen gobollada dalka, isla markaana la waayey cid sheegtay ama aragtay bishii Soonfur oo dhalatay, iyadoo ugu dambeyntiina wasaaradu go’aamisay in berri ay dadka Soomaaliyeed buuxiyaan 30-ka Ramadaan.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inaan bisha Shawaal lagu guuleysan in caawa laga arko dalkaas kadib markii la raadiyey, taasi oo ka dhigan in berri aanay ciid aheyn.

Qoraal kasoo baxay boqortooyada ayaa lagu sheegay in berri oo Axad ah la dhameystiri doono 30-ka bisha Ramadaan, islamarkaana ciidda ay noqon doontoIsniinta oo ku beegan labada bisha May.

Sidoo kale, dalka Imaaraadka Carabta ayaa isna sheegay inaan lagu guuleysan in caawa bisha la arko sidaas darteedna Ramadaanka la dhameystiri doono Axadda, islamarkaana ciidda ay tahay Isniinta.

Hoos ka daawo go’aanka DF Soomaaliya

The post Daawo: DF Soomaaliya oo go’aan rasmi ah ka soo saartay dhamaadka Ramadaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this