faysal awcabdi Posted July 15, 2006 Bismilaahi raxmani raxim Dhawaaq la bilaab Inaan bisin dhaafo Horaan uga dhaartay Inaan dhulka hoyo dhibaatiyo hawlba Naftayda u dhiibo Oo aan dhudhun beelo Dhiigayga u daadsho Horaan ugu dhaartay Cadawga dhirfaaya Khayraad ka dhulkayga Ee soo dhabacaaya Hadaanan ka dhiijin Dhankaa dhan dheh gaban Intaan dhag ka siiyay ma dhiiraday caawa Ma dhaafine heedhe Kaluukna ka dhooban Badayda dhexdeeda Hadaanan ku dhaadan Geelii dhaqayoobay dhiilkii gorofoobay Dhaydii adhigeena Lo'dii dhitadeeda Dhalaanku ka haago Markaan dhereg dhaafno U dhoofino meelo Ugaadha dhuyaashay Dhulkii ka dhamaatay Gamaankaba dhawrin Beeraa dhinacooda Intaan u dhaqaaqo Dhirtii ka baxaysa Inaan dhab u beero dhaqaalaha tiirsho Horaan ugu dhaartay Dhankaa dhan dheh gaaban intaan dhag ka siiyay Ma dhiiraday caawa Culuun la dhigaayo Inaan dhimirkayga Aqoon ku dhiteeyo Dhamaanba duruusta Iskulada dhooban Ku dhaansado buugta Anoo dhuganaaya Waxaan dhiganaayay Oo aan xabad dhaafin Dharaar itixanka Markaan dhex fadhiisto Inaan wada dhaafo Dhamaan ba filkayga Dhab siiyo shahaadad Aqoon lagu dheehay Anoon dhan u leexan Dhankaana jaleecin Inaan dhulkii hooyo Dharaar la arkaayo Intaan dib u dhofo Dhalaanka koraaya Caruurti dhulkeena Waxaan cilmi dhaamo Anoon dhamidoodba Dheecaan kaga raadin Dhigaalka aqoonta Bakhaylnimo dhaafo Ka dhawrsado ceebta Inaan isu dhaafsho Horaan ugu dhaartay Intuu dhinacaygu Dhulkaa ka sareeyo Saantay dhogor leeday Dhiiftii hadalkayga Inaan dhab ka yeelo Aamiin ku dhawaaqa Dhankaa dhan dheh gaban Intaan dhag ka siiyay Ma dhiiraday caawa Ma dhaafine heedhe Dhulkeena xoroobay Cadaawe ka dhoofay Ragii u dhibtooday Rasaas u dhigaayay Dhafoofkiyo laabta Dhintee hada mootan Agoomaha dhaafay Kuweer Dhutinaaya Dhantaalmay Jidhkoodu Dhaqaaq gabay haatan Inuu rabbi dhaafo Dhamaan dambigooda Aamiin ku dhawaaqa Kuwiinani dhoofka Dhul ay yurub leeday Qurbaa dhex maraaya Inuu dhudhun kiina Dhukeenu sugaayo Dhafoorka ku haysta Dhankaa dhandheh gaaban Intaan dhag ka siiyay Ma dhiiraday caawa Ma dhaafine heedhe Dambaal wada gaadha Dhamaan wadankeena Dhamaan afrikaanka Dhibaatadu hayso Midh aynu ku dhaano Cadaawaha dhaaraty Markuu ina dheehdo Midh uu dhimanaayo Mid aan dhursugayno Inay dhanka kaabto Aqoonsi dhameeya Aqoonsi dhamaanba Aduunyadu dhiibto Dhukeenu u aayo Anoon dhinacooda Dhulkii raga jooga Dhaliilba u haynin Ayaan dhud ku boorin Inay dhidib keeda Dhisaan nabadeena Mid aan ku dhargayno Mid aan ku dhismayno Mid aan dhamideenba Dhigaalka u ayno Dhalaanku ku ceesho Haweenku ku dhaato Barbartu ku dheesho Waayeel dhamidoodba Nastaan dhinacooda Mid uu dhamidiiba Dhigeen ina eegto Dhaliisha ku reebno ***************** Quote Share this post Link to post Share on other sites