Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Aadan Madoobe oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
11-1.jpg?resize=1000%2C767&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Sida lagu sheegay qaraal ka soo baxay Madaxtooyada Sooomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo dhammaan Guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

22.jpg?resize=1000%2C996&ssl=1

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoonka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Madaxwayne uga mahadceliyey kulanka iyo soo dhoweynta, sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia.

PUNTLAND POST

The post Farmaajo iyo Aadan Madoobe oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this