Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka Golaha Aqalka Sare oo yeeashay kulan looga hadlay 3 qodob

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka cusub ee Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta yeeshay kulan ay kaga hadlayeen 3 qodob oo ku saabsan howlaha hor yaalo.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wuxuu ajandihiisa ahaa:

1- Warbixin guud ee Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS ee howlaha wax-qabad ee hortbinta u leh Aqalka Sare.

2- diyaarinta warbixinta guud ee Wax-qabadka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 10-aad.

3- Diyaarinta Ajandaha kulanka 3-aad, Kalfadhiga 1-aad ee Aqalka Sare.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay dhacdo Bisha May ee Berri bilaabaneyso, waxaana socdo oloihii ugu dambeeyey ee loogu jiro xilka ugu sareeya Dalka.

Golaha Shacabka ayaa la iclaamiyey in 4-ta Bisha May uu Baarlamaanka yeelan doono kulan lagu dhisayo guddiyada doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya.

The post Guddoonka Golaha Aqalka Sare oo yeeashay kulan looga hadlay 3 qodob appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this