Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Sucuudiga oo xidhxidhay dad masaajidka Nebigawiga Madiina ku dhex-caayay wasiir

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Sucuudiga oo xidhxidhay dad masaajidka Nebigawiga Madiina ku dhex-caayay wasiir

Intii ay rabshaduhu socdeen dadka qaar ayaa aflagaado u geystay wasiirka warfaafinta Pakistan Maryam Aurangzeb.
Intii ay rabshaduhu socdeen dadka qaar ayaa aflagaado u geystay wasiirka warfaafinta Pakistan Maryam Aurangzeb.

Safaaradda Sacuudi Carabiya ee Pakistan ayaa xaqiijisay in tiro dad ah oo u dhashay Pakistaan la xiray kadib markii ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo lagu tilmaamay ‘aflagaado’ xilli ay ku sugnaayeen masaajidka Nebiga ee ku yaalla magaalada Madiina.

Khamistii ayay aheyd markii dad badan oo kasoo jeedo Pakistaan ay ku dhawaaqayeen erayo siyaasadeed iyo aflagaado markii uu Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Pakistaan, Shahbaz Sharif uu gaaray Masjidka Nabiga isaga iyo wafdi uu horkacayay kuwaas oo salaadda ku tukanayay halkaas.

pakistan-1024x683.jpg

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah dad Pakistaaniyiin ah, balse warbaahinta Pakistaan ayaa Jimcihii soo xigtay saraakiil ka tirsan safaaradda Sacuudiga oo sheegay in dadka qaar ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ‘Caay ah’ xilli ay ku tukanayeen masjidka Nabiga. waxaana xabsiyada loo taxaabay dadkii lagu eedeeyay arrintaas.

Mar ay BBC la xiriirtay safaaradda Pakistan ee Sacuudiga ayaa waxay sheegtay in warkaas aan la xaqiijin.

Safaaradda Pakistaan ee Sucuudiga waxay intaa ku dartay in haddii uu jiri lahaa warkan ay maalintii ugu horreysay ee dhacdada ay baahin laheyd wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga.

cimro-1024x683.jpg

Sakaullah Mohsin oo ah wariye ka tirsan wafdiga Ra’iisul wasaaraha Pakistan ayaa BBC-da u sheegay in Ra’iisul wasaare Shahbaz Sharif iyo wafdigiisa markii ay soo gaareen masjidka Nebiga ay halkaasi isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan kadib markii ay la kulmeen wasiirka warfaafinta Maryam Aurangzeb, Waxay dadka ku qeylinayeen ‘tuug’ .

Dadkii joogay masaajidka Nebiga ayaa khashkhashaaday wasiirka, waxaana usoo gurmday Shah Zain Bugti oo ka mid ahaa wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan, dadka qaar ayaa la arkayay iyagoo timaha jiidaya halka qaarkood ay dharbaaxeen wasiirka Warfaafinta Pakistan Maryan oo kamid aheyd wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ku wehlinayay Sucuudiga.

Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Pakistan ayaa dhawaan booqday Sucuudiga
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Pakistan ayaa dhawaan booqday Sucuudiga

Arrintan ayaa buuq ka dhex dhalisay halkaas iyadoo kumanaan qof oo ku sugnaa masjidka nebiga ay xaaladda faraha lasoo galeen.

Tehreek-e-Insaf oo ka tirsan xisbigii hore ee ka talin jiray Pakistan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in tallaabadan ay tahay gadood shacab.

Wasiirkii hore ee xuquuqul insaanka Pakistan, Shirin Mazari ayaa fariin uu soo dhigay Twitter-ka ku yiri, “Dambiilayaasha ka tirsan dowladda dibadda laga keenay ee ku timid shirqoolka Mareykanka ayaa dhibaato badan kala kulantay magaalada Madina, meel kasta oo ay tegaan Pakistaniyiintu kama hari doonaan”

Waxaa la arkayay muuqaallo ku saabsan dhacdadan inkasta oo wasiirka warfaafinta Pakistan aysan weli ka hadlin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this