Sign in to follow this  
faysal awcabdi

dhib ka haysta nolosha dad ka qurbaha

Recommended Posts

ANIGA OO AH FAYSAL AW CABDI CANBALAASH AH Halkan waxa aan kaga faaloonayaa nolosha ka jirta qurbaha gaar ahaan dalkan ingiriiska kaasi oo ka mid ah ama la odhan karo waxa weeye meesha ay soomaalidu ugu badan tahay marka loo eego melo badan oo dunida ku yaal marka laga reebo soomaaliya.

Gabaygu waxa uu taabanayaa dhibaatada haysata umada iyo sida ay ku timi iyo sida ay u kala abaartay rag, dumar&caruur.hadaba Kama dambaystii gabaygu waxa uu ku bilaabmayaa sidan

 

RABI DAAYIN WEEYEE

INTA UU DAD UUMEE

DUNIDANI DULJOOGTEE

DAADAHAYSA NOLOSHEE

ISKU WADA DULNOOLEE

DANTU WADA KULMINAYSEE

NINBA MEESHI LOO DIRAY

ISAGOO DADAAL IYO

MUUJINAAYA DOOR ROON

DABCINA WAA WAX DARANOO

DAD AAN GACAL AHAYNBAA

ISKA DOORTA AADMIGA

MARNA DUUL WALAALO AH

OO HOOYO DIHATAA

DAARKU WADA DHAQNAANBAA

DACI KALA RARAA OO

DAD IS BOOQDA DA YOO

SALAANTANA LAKALA DIDA

DAGALADA QURBAHA IYO

DALKAN AYNU JOOGNEE

DAADUUNKA LAGU YIMI

DAGAALKII SOKEEYAA

DAAFADIISI WEEYOO

WAXKASTOO DARAADABA

WAX KASII DARAADAA

DABA YAALA WALIGII

INTII DABADA YAACDIYO

DAWAAFKII ADUUNYADA

DADKEENI USOO KACAY

DAYAC BAA KU DHACAYOO

INTA DAADSAN YURUBEE

CEEBTEEDA DADAYSANA

INGLAND HOWDARAATEE

DUMARKII WAX BAA HELAY

JIDHKOODII DAHAADHKIYO

KU WACNAA DABOOLKEE

DAHAB LAGU MASAYN JIRAY

DABADAA LASOO DHIGAY

DAAYINKII ABUURIYO

DUN NINKAY WADAAGAAN

MIDNA MABA DANEEYAAN

IYGAABA DARAJO LEH

DA, YAR TIYO BARBAARTII

DHAQAMAD ISDILAYAA

DAANO WAYN U GAYSTOO

BIYO LOOMA DIRANKARO

DAB HADAY KU DHACAYAAN

AMA DACAR WALAAQDAAN

DAAYA RUUX MA, ODHAN KARO

HADII AAD U DIID IYO

DAGAAL MEESHA KEENTANA

DHAQAN DOORIN WEEYOO

DAWLADAA KU XIDHAYSOO

DAMBIILAY KU QORAYAAN

RAGIIBAA KASII DARAN

DARXUMADIYO HAWSHAA

KUWII DIIDI LAAYEE

KADIGIIGI XOON LAA

DANTA AY KA RACDEEN

WAA JAAD LA DUUBTIYO

ILLAA DAALAC WAABARI

MURAN LAGU DUL NOOGIYO

KUWO DAASAD HAYSTOO

DARBIYADA ISTAAGIYO

DARAAGOOLAYAAL AAN

DUNIDABA WARKEED HAYN

DUNJIGOODBA NIMANKII

DULI BAA HALEELOO

DUULASHII QURBAHA YIMI

KUWO DAAYINKEENII

KUHAGAAJAY DAWGOO

U HANUUN SAN DIINTOO

DARIIQII SAXNAA IYO

WIXII DAAYIN UU FARAY

WALI DABADA HAYSTAA

DADKEENII KA HADHAYOON

ANA UGU DUCEEYAA

WAXSE AAN KU DAYN LAA

DOODANA KU SOO XIDHAY

DADAAL AAN BILAWNIYO

DIB IN LOO NOQDAAYOO

DAGMADII HARGYSIYO

BURCO DAAFAHEEDII

BARBARIYO DALKEENII

CEERIGAABO IYO DAMAL

SURAD OON LADAYN KARIN

AMA DAALO IYO HAWD

SAYLAC IYODOCDEEDAA

BADA LOOGA DHIGAY DAYR

RUUXII DABAAL RABA

AMA KII DANKALE WADA

UU FIJAANKA DARAYEE

XIISAHEEDA DAMAQA LEH

NAFTU AANAY DAYN KARIN

MARLABAAD U DUULOO

NOLOL AAN KA DAYANAA

WAA DALKAAD U DHALATOO

XUMO LAGU DULOOBIYO

DIIQADI MA TAALEE

JAGADAAD KADAGILAYD

IMIKABA KA SII DAYO

INTAAN DAYRAR LAGUXIDHAN

TAASI WAA DAREENKAY

WAXSE AAN KUDARAYAA

DOODU WAY U FURANTAHAY

ARINTAA KA DOOR ROON

RUUX KASTOO KU DARAYIYO

MIDKII DIIDAN HADALKABA

HADIISE DAAYIN NAGU SIMO

DIBAA LOOGA SHEEKAYN

DOODIINA KABA BAXAY

 

*********DHAMAAD**************

Share this post


Link to post
Share on other sites

DADKEENI USOO KACAY

DAYAC BAA KU DHACAYOO

INTA DAADSAN YURUBEE

CEEBTEEDA DADAYSANA

INGLAND HOWDARAATEE

DUMARKII WAX BAA HELAY

JIDHKOODII DAHAADHKIYO

KU WACNAA DABOOLKEE

DAHAB LAGU MASAYN JIRAY

DABADAA LASOO DHIGAY

..Waa runtiis walaahi! war faysaloow raggeedi baa tahay halkaa kasii wad sxb!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this