faysal awcabdi Posted July 14, 2006 ANIGA OO AH FAYSAL AW CABDI CANBALAASH AH Halkan waxa aan kaga faaloonayaa nolosha ka jirta qurbaha gaar ahaan dalkan ingiriiska kaasi oo ka mid ah ama la odhan karo waxa weeye meesha ay soomaalidu ugu badan tahay marka loo eego melo badan oo dunida ku yaal marka laga reebo soomaaliya. Gabaygu waxa uu taabanayaa dhibaatada haysata umada iyo sida ay ku timi iyo sida ay u kala abaartay rag, dumar&caruur.hadaba Kama dambaystii gabaygu waxa uu ku bilaabmayaa sidan RABI DAAYIN WEEYEE INTA UU DAD UUMEE DUNIDANI DULJOOGTEE DAADAHAYSA NOLOSHEE ISKU WADA DULNOOLEE DANTU WADA KULMINAYSEE NINBA MEESHI LOO DIRAY ISAGOO DADAAL IYO MUUJINAAYA DOOR ROON DABCINA WAA WAX DARANOO DAD AAN GACAL AHAYNBAA ISKA DOORTA AADMIGA MARNA DUUL WALAALO AH OO HOOYO DIHATAA DAARKU WADA DHAQNAANBAA DACI KALA RARAA OO DAD IS BOOQDA DA YOO SALAANTANA LAKALA DIDA DAGALADA QURBAHA IYO DALKAN AYNU JOOGNEE DAADUUNKA LAGU YIMI DAGAALKII SOKEEYAA DAAFADIISI WEEYOO WAXKASTOO DARAADABA WAX KASII DARAADAA DABA YAALA WALIGII INTII DABADA YAACDIYO DAWAAFKII ADUUNYADA DADKEENI USOO KACAY DAYAC BAA KU DHACAYOO INTA DAADSAN YURUBEE CEEBTEEDA DADAYSANA INGLAND HOWDARAATEE DUMARKII WAX BAA HELAY JIDHKOODII DAHAADHKIYO KU WACNAA DABOOLKEE DAHAB LAGU MASAYN JIRAY DABADAA LASOO DHIGAY DAAYINKII ABUURIYO DUN NINKAY WADAAGAAN MIDNA MABA DANEEYAAN IYGAABA DARAJO LEH DA, YAR TIYO BARBAARTII DHAQAMAD ISDILAYAA DAANO WAYN U GAYSTOO BIYO LOOMA DIRANKARO DAB HADAY KU DHACAYAAN AMA DACAR WALAAQDAAN DAAYA RUUX MA, ODHAN KARO HADII AAD U DIID IYO DAGAAL MEESHA KEENTANA DHAQAN DOORIN WEEYOO DAWLADAA KU XIDHAYSOO DAMBIILAY KU QORAYAAN RAGIIBAA KASII DARAN DARXUMADIYO HAWSHAA KUWII DIIDI LAAYEE KADIGIIGI XOON LAA DANTA AY KA RACDEEN WAA JAAD LA DUUBTIYO ILLAA DAALAC WAABARI MURAN LAGU DUL NOOGIYO KUWO DAASAD HAYSTOO DARBIYADA ISTAAGIYO DARAAGOOLAYAAL AAN DUNIDABA WARKEED HAYN DUNJIGOODBA NIMANKII DULI BAA HALEELOO DUULASHII QURBAHA YIMI KUWO DAAYINKEENII KUHAGAAJAY DAWGOO U HANUUN SAN DIINTOO DARIIQII SAXNAA IYO WIXII DAAYIN UU FARAY WALI DABADA HAYSTAA DADKEENII KA HADHAYOON ANA UGU DUCEEYAA WAXSE AAN KU DAYN LAA DOODANA KU SOO XIDHAY DADAAL AAN BILAWNIYO DIB IN LOO NOQDAAYOO DAGMADII HARGYSIYO BURCO DAAFAHEEDII BARBARIYO DALKEENII CEERIGAABO IYO DAMAL SURAD OON LADAYN KARIN AMA DAALO IYO HAWD SAYLAC IYODOCDEEDAA BADA LOOGA DHIGAY DAYR RUUXII DABAAL RABA AMA KII DANKALE WADA UU FIJAANKA DARAYEE XIISAHEEDA DAMAQA LEH NAFTU AANAY DAYN KARIN MARLABAAD U DUULOO NOLOL AAN KA DAYANAA WAA DALKAAD U DHALATOO XUMO LAGU DULOOBIYO DIIQADI MA TAALEE JAGADAAD KADAGILAYD IMIKABA KA SII DAYO INTAAN DAYRAR LAGUXIDHAN TAASI WAA DAREENKAY WAXSE AAN KUDARAYAA DOODU WAY U FURANTAHAY ARINTAA KA DOOR ROON RUUX KASTOO KU DARAYIYO MIDKII DIIDAN HADALKABA HADIISE DAAYIN NAGU SIMO DIBAA LOOGA SHEEKAYN DOODIINA KABA BAXAY *********DHAMAAD************** Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted October 20, 2006 DADKEENI USOO KACAY DAYAC BAA KU DHACAYOO INTA DAADSAN YURUBEE CEEBTEEDA DADAYSANA INGLAND HOWDARAATEE DUMARKII WAX BAA HELAY JIDHKOODII DAHAADHKIYO KU WACNAA DABOOLKEE DAHAB LAGU MASAYN JIRAY DABADAA LASOO DHIGAY ..Waa runtiis walaahi! war faysaloow raggeedi baa tahay halkaa kasii wad sxb! Quote Share this post Link to post Share on other sites