Deeq A. Posted April 30, 2022 Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka 11-aad Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe Ayaa maanta kulankiisa ugu horeeyey shir guddomiyey waxan Maanta uu xilka kala wareegay Guddomiyihii hore Baarlamankii 10-aad Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Sidokale kulanka waxa goob ka ahaa Guddomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar Iyo Guddomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar ABshirow Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh.Aadan Madoobe ayaa fasax afar maalmood ah siiyey xildhibaannada isaga oo sheegey in khilaafka ka taagan kuraasta Gedona uu xallin doono. “Koox gaar ah lama socdo, wixii annaga naga horreeyeyna shaqo kuma lihin wixii maanta ka bilow waxyaabaha yaryar ee jira si cadalaad ah ayaan u xallin doonaa” ayuu yiri Aadan Madoobe. PUNTLAND POST The post Khilaaf weli ka taagan Kuraastii Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites