Deeq A. Posted April 30, 2022 Koox hubaysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay mas’uul ka tirsan Maaamulka degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jiray Cismaan Maxamuud Cabdi waxa la sheegay in uu ahaa Guddoomiyaha Laanta dalxiiska degmada Yaaqshid. Kooxdii weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsaday ka hor inta aysan halkaas gaarin Laamaha Amniga magaalada Muqdisho. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan dilalka ka dhaca Muqdisho. PUNTLAND POST The post Mas’uul ka tirsan degmada Yaaqshid oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites