Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro gaystay oo subanimadii hore ee saaka ka dhacay wadada xriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday kolanyo ciidan oo uu la socday Korneyl Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda.

Inta la xaqiijiyay 10 askari ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka askar kale uu dhaawac ka soo gaaray, Korneyl Saneey Cabdulle ayaa la sheegay in qaraxa uu ka badbaaday.

Saneey ayaa lagu wadaa in uu magaalada Jowhar kaga qayb gallo doorashada mid kamid ah kuraasta golaha shacabka oo maanta lagu qabanayo magaalada.

Sikastaba waxaa inta badan qaraxyo iyo weeraro dhabba gal ah ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda lagula eegta waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this