Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 10 askari oo ku dhintay qarax lala beegsaday Col. Saney Cabdulle

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 10 askari ayaa ku dhintay qarax miino oo saq-barkii xalay lala beegsaday kolonyo uu la socday Col. Saney Cabdulle jidka u dhexeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Sarkaalkaas lagu magacaabo Saney Cabdulle ayaa sida wararku sheegayaan ka badbaaday qaraxa inkastoo waxyeello dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaartay ilaaladiisa gaarka ah.

Col. Saney ayaa ku socday magaalada Jowhar si uu kor joogto ugu noqdo doorashada kursiga HOP 141 oo ay degaan doorashadiisu tahay magaaladaasi.

Askarta geeritootay ayaa loo qaaday Jowhar, halka kuwa dhaawacmayna loo celiyay magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 10 askari oo ku dhintay qarax lala beegsaday Col. Saney Cabdulle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this