Sign in to follow this  
Deeq A.

Khalkhal amni oo ka dhashay Qoys Gumuc Madfac la galay Garoon Diyaaradeed+Muqaal….

Recommended Posts

Deeq A.   

Khalkhal amni oo ka dhashay Qoys Gumuc Madfac la galay Garoon Diyaaradeed

Gumaca

Qoys Maraykan ah ayaa Khalkhal amni ka abuuray garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Israa’iil kadib markii ay qeybta baadhitaannada la galeen gumaca madfac aan qarxin.

Laamaha ammaanka ee dalkaas ayaa sheegay in qoyska safarka ahaa uu gumaca ka soo qaaday deegaan ka tirsan buuraha Golan Heights, gaar ahaan halka ay horay ugu dagaallameen ciidamada Israa’iil iyo kuwa Suuriya.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka ku sugnaa goobta hubinta garoonka oo kala cararaya markii ay arkeen gumaca.

Qoyska ayaa markii dambe loo oggolaaday inay raacaan diyaaradda ay ku qornaayeen, kadib markii laamaha ammaanka ay ku waayeen wax kiis ah.

Israa’iil ayaa dagaalkii Lixda Maalmood ee dhacay 1967 waxa ay Suuriya kaga qabsatay buuraha Golan Heights, waxaana weli halkaa yaalla hadhaagii hubkii ay labada dhinac isu adeegsadeen.

Wargeyska YNet oo ka warramay arrinta oo dhacday Khamiistii ay sheegay in qof kamid ah qoyskaas uu boorso dhabar u saarnayd ka soo bixiyay gumaca, kadibna shaqaalaha hubinta weydiiyay in uu gelin karo shandad weyn.

Haweeneyda hubinta samayneysay ayaa dadkii goobta ka ag dhawaa u sheegtay inay halkaa ka fogaadaan, hase yeeshee qaar kamid ah dadka ayaa billaabay inay ku qeliyaan “weerar argagixiso,” taasoo dhalisay kala carar, sida uu tebiyay wargeyska.

Muuqaalka hoose oo ay baahisay idaacadda Kan ee Israa’iil ayaa muujinaya dad kala cararaya iyo qaar inta ay argagaxeen dhulka xabadka ku haya.

תיעוד: בהלה בנתב"ג בעקבות חשש מחפץ חשוד. לאחר בדיקות הוכרז על חזרה לשגרה@sharonidan pic.twitter.com/pOMLp3oaeC

— כאן חדשות (@kann_news) April 28, 2022

Inta uu jawahareerka socday ayaa Uri oo 32 jir ah waxaa soo gaadhay dhaawac, waxaana loola cararay cisbitaalka.

“Waxaan muddo saacad ku dhaw ku jiray saf oo aan sugayay in la ii baadho alaabta aan watay. Markii aan u soo dhawaaday miiska hubinta, ayaa waxaan arkay dadkii oo kala cararaya,” ayuu Yuri u sheegay YNet.

“Waxaa laga cabsi qabay in goobta uu ku sugan yahay qof hubaysan. Marka waxaan billaabay in aan carraro, waxaana lugta ii galay xadhig oo meel fog ayaan ku dhacay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Garoonka Ben Gurion oo ay arrintaas ka dhacday ayaa ku yaalla afaafka hore ee Tel Aviv, waxaana lagu tilmaamaa inuu kamid yahay kuwa ammaankooda sida weyn loo sugo dunida oo dhan. Gawaadhida iyo dadka rakaabka ah ayaa mara baadhitaanno dhowr ah ka hor inta aanay gaarin gudaha taaminaalka.

Israa’iil ayaa ku jirta heegaan sare kadib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay ka dhaceen weerarro lagu eedeeyay Falastiiniyiinta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this