Deeq A. Posted April 29, 2022 Aadan Madoobe weli lama heshiinin Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Guddoomiyaha Cusub ee Aqalka Hoose Aadan Maxamed Nuur wuxuu iska casilay xubinnimadiisii xisbiga Himilo Qaran oo uu Shariif Sheekh Axmed hoggaamiyo. Xilka cusub ayaa u diidaya inuu ka sii mid ahaado xisbi waayo wuxuu luminayaa dhexdhexaadnimada looga baahan yahay isaga si uu u guto waajibaadkiisa guddoominta shirarka Aqalka Hoose. Aadan Madoobe walaac siyaasadeed oo ba’an ayaa haya. Walaacu wuuxuu la xiriiraa sidii uu ku waayay guddoomiyenimada baarlamaanka markii Madaxweyne Shariif Axmed uu taageeray Shariif Xasan oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda si uu mar kale u noqdo Guddoomiyaha baarlamaanka xilli dowladdii muqaawimadu ka talinaysay Villa Somalia. Aadan Saransoor fursad ayuu u arkaa guddoomiyenimada Aadan Madoobe si ay labadoodu u wiiqaan Maamulka Koonfur Galbeed. Xil ka qaadista Aadan Madoobe waxay ahayd billowgii baarlamaan laga maamulo Madaxtooyada Soomaaliya. Sharcidejintu kama madaxbannaaneyn fulinta. Seddexdii maamul ugu dambeeyay 2009 ilaa 2022, Soomaaliya waxay caan ku ahayd baarlamaan dubbe u ah Madaxtooyada. Way dhici kartaa in Aqalka Hoose qaado dhabbaha Aqalka muddo xileedkiisu dhammaaday. Aadan Madoobe wuu og yahay in Shariif Xasan hoggaamiyo xisbi siyaasadeed, welina siyaasadda ku jiro. Haddii tusaale ahaan Shariif Sheekh Axmed madaxweyne loo doorto sida keliya oo Aadan Madoobe ku shaqayn karo waa inuu helo damaanad ah in aan xilka laga qaadeyn (way adag tahay in damaanadda noocan oo kale la isa siiyo haddii Madaxtooyadu awood u leedahay inay mooshin ku abaabusho guddoonka baarlamaanka). Shariif Xasan weli han siyaasadeed ayuu leeyahay. Aadan Madoobe wuxuu loollan kula jiraa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ay isku maandhaafeen diiwaangelinta xildhibaannada markii Muuse Geelle (guddoomiyaha garab ka mid Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal) uu hor istaagay xildhibaanno laga soo doortay Koonfur Galbeed. Aadan Madoobe iyo Aadan Saransoor waxay isku meel ka taagan yihiin maamulka Laftagareen oo ay u arkaan mid u baahan in la beddelo. Waxay aad ugu tashanayaan inay gacan ka helaan hoggaamiyaha laga yaabo inuu yimaado Villa Somalia si ay ula wareegaan talada siyaasadda ee Koonfur Galbeed. Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen sare ayuu u qaaday metelaadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed. Shariif Sheekh Axmed oo ah murrashax Madaxweyne wuxuu ku dadaalayaa inuu dhabarka si kala gaar ah uga taabto Shariif Xasan iyo Aadan Madoobe, taasoo shaki ku abuuri karta Aadan Madoone. Sida Saransoor u gudbinayo farriin ah in isaga iyo Aadan Madoobe diyaar u yihiin burburinta Maamulka Koonfur Galbeed. Waa markii kowaad oo uu Aqalka Hoose yeeshay Guddoomiye si cad uga soo horjeeda maamulka Laftagareen uu hoggaamiyo. Aadan Madoobe wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ururkii Rahanweyn Resistance Army oo 1999kii qabsaday Baydhabo ku dhowaad afar sano iyo bar kaddib markii uu Jeneraal Ceydiid qabsaday 1995kii. Ma qarsoona in Aadan Madoobe qabo in Laftagareen aad ugu dhow yahay Madaxweyne Farmaajo. Ilaa hadda Guddoomiyaha cusub ee Aqalka Hoose ma soo bandhigin sida uu u gudanayo shaqadiisa, inuu dhowrayo madaxbannaanida sharcidejinta iyo inuu ka harayo loollankii uu kula jiray Koonfur Galbeed. Hadda wuxuu xoogga saarayaa in aan xilka lagaga qaadin sidii isaga lagaga qaaday iyo sidii Jawaari xilka looga qaaday dhowr sano ka hor. Isbadbaadintiisa siyaasadeed ayaa kaga weyn gudashada xilka guddoomiyenimada baarlamaan sida caadada ah u gacangala madaxtooyada. Xasan A. Yuusuf (Coonka) The post Aadan Madoobe oo Jallaafo Siyaasadeed Iska Ilaalinaya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites