Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Xogta dilka Atooraha Badda

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuqaal: Afhayeenka Booliska

Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay dil xalay loogu geystay magaalada Muqdisho nin lagu magacaabo Salaad Cismaan oo loo garan-ogyahay Atooraha Badda.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dilka Atooraha Badda uu qirtay nin filimaanta la jili-jiray oo lagu magacaabo Leefleefow.

FB_IMG_16512432048770522.jpg?resize=396%Atooraha Badda (bidix) Leefleefow (midig)

Booliska ayaa tilmaamay in dilka uu yimid kadib markii ay isku qabsadeen lacago loogu soo diray dad masaakiin ah, taas oo gaareysa $60,000 ( Lixdan Kun oo dollar).

Afhayeenku wuxuu sheegay in markii hore ninka dilka geystay uu marin habaabiyay kiiska, markii uu sheegay in saaxiibkiis ay dileen Al-shabaab, balse uu ugu dambeyn qirtay haddana uu ku jiro gacanta hay’addaha ammaanka.

Atooraha Badda oo ahaa nin caan ka ah magaalada Muqdisho iyo baraha bulshada ayaa dilkiisa ilaa xalay aad looga hadal hayay baraha bulshada.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Xogta dilka Atooraha Badda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this