Deeq A. Posted April 29, 2022 Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Kusimaha Madaxweynaha waxaa magaalada bannaankeeda si diiran ugu soo dhoweeyay goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, siyaasiyiin, ganacsato, nabadoono, saraakiisha Clciidamada qayba hooda kala duwan iyo ururada haweenka, dhalinyarada iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisu uu salka ku hayo u kuurgelida xaaladd guud ee gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo gaaray Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites