Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukun Adag oo lagu riday Imaam masaajid ku dhex dilay Doofaar 

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukun Adag oo lagu riday Imaam masaajid ku dhex dilay Doofaar 

dofar.jpg

Maxkamad ku taalla dalka Rwanda ayaa shan sano oo xadhig ah ku xukuntay wadaad Muslim ah oo lagu eedeeyay inuu masaajid ku dhex dilay doofaar.

Saddex qof oo sheegay in ay goob-joog u ahaayeen dhacdadan ayaa maxkamadda u sheegay inay arkeen imaamkan oo lagu magacaabo Sadate Musengimana oo geed ku garaacaya doofaarka, isla goobtana ku dilay.

Qareenkiisa ayaa ku dooday in uu si lama filaan ah u dilay neefkan, kadib markii uu isku dayay in uu ka eryo masjidka oo ku yaala degmada Kayonzo ee bariga dalka Rwanda.

Qareenka Imaamka ayaa sheegay in uu racfaan ka qaatay “xukunkan adag”.

Imaam Musengimana ayaa weli xidhnan tan iyo bishii February oo aheyd markii uu dilay doofaarka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this