Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdogan oo raadinaya in uu hagaajiyo xiriirka Turkiga iyo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

2633fa80-8bfb-44e5-b7a3-e73262f032a6_w10

Madaxweynaha waddanka Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa xalay gaaray dalka Sacuudi Carabiya, isaga oo raadinaya in uu dib u hagaajin weyn lagu sameeyo xiriirka u dhexeeya labada dal.

Booqashadan ayaa waxay calaamad u noqoneysaa dadaalladii u dambeeyay Turkey uu ku dhisayo xirrirka waddamada ay xurgufta kala dhexaysay ee gobolka.

Waa booqashadii ugu horraysay ee Erdugan uu ku tago Sacuudiga tan iyo 2017-kii markaas oo sanad kadib ay wariye Jamal Khashoggi dil u geyteen wakiillo ka socadya Sacuudiga.

Hoggaamiyaha Turkey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jiddah kusoo dhoweeyay duqa magaalada Mecca.

Booqashada Erdugan ayaa imaaneysa iyada oo horraantii bishan uu Turkey joojiyay maxakamadeynta 26 eedaysane oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dilkii Jamal.

PUNTLAND POST

The post Erdogan oo raadinaya in uu hagaajiyo xiriirka Turkiga iyo Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this