Sign in to follow this  
AYOUB

Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan Qaasim

Recommended Posts

AYOUB   

Ummad waliba waxay leedahay geesiyaal caan ka ah bulshada dhexdeeda. Balse waxaad mooddaa in bulshada soomaalidu ay ka simantahay inaanay geesiyaashooda xusin oo soo hadalqaadin inta ay noolyihiin. Waxa jira geesiyaal farabadan oo maanta nool. Abwaan Axmed Ismaciil Diiriye "Qaasim" Wuxuu ka midyahay geesiyaasha caanka ah ee maanta nool. Qaasim waa nin abwaan ah, balse abwaanimadiisu maaha oo keliya inuu tiriyo maanso quruxbadan ee maansooyinkiisu waxay xanbaarsanyihiin dareen shacbi oo dhab ah. Wuxuu sawir ka bixinayaa dareenka dadka iyo qallooca jira iyo weliba sida looga baxayo. Dhanka kale qaabka iyo habdhaca maansooyinkiisu waa kuwo aad odhan karto waxay si farshaxxanimo ku dheehantahay u gelayaan maanka qofka. bal aynu soo qaadano gabayga la magacbaxay "Macaan iyo qadhaah, baydadkiisa hore.

 

Dacartuba marbay malab dhashaa muudsataa dhabaqe

 

Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wadayaalle

 

Midig-tayda iyo bidixday-du waa laba mataanoode

 

Midi waa martida soora iyo maata daadihise

 

Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe

 

Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye.

 

 

Macaan iyo qadhaadh oo uu naftiisa kaga hadlayey, haddaynu dhaafno aynu milicsanno halgankii iyo dareenkii uu u soo gudbiyey bulshada. Waxaan ku bilaabayaa maansada la magacbaxday "Farriin". Maansadaa wuxuu tiriyey 26 June 1960. Wuxuu dareenkiisa gaadhsiinayaa bulshada, isagoo ku soo halqabsanaya Maxamed Cabdulle Xasan. Waxaana ka mid ahaa gabaygaas:

 

"Aloow yaa darwiishkii, farriin debécsan gaadhsiiya. Aloow yaa dadkaagii yidhaa, dawladnimo qaaday, Aloow yaa dabbaaldeg iyo faras kala dul eedaama. Aloow yaa duleedada Taleex uga damaashaada" .

 

Dareenkaas wadaninimo, ee soomaalinimadu ku dheehnayd waxa dilay oo bedelay maamulkii u kala danbeeyey Jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Gaar ahaan maamulkii keligii taliyihii muddada dheer dalka ka talinayey. Mar uu Qaasim ka hadlayey dhibkii soo gaadhay bulshadii reer Somaliland oo uu si gaar ah uga hadlay Hargeysa ayuu maanso la yidhaahdo Hargeysa ka tiriyey 1984-kii wuxuuna yidhi:

 

 

Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene

 

Halaq iyo abees kuma gam'een hadhacyadaadiiye

 

Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaamsadaye

 

Hantidaada muu weerareen halaq wax-boobaaye

 

Carruurtiyo haweenkaad lahayd lama halgaadeene

 

Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye

 

Hoos looma eegeen kuwii hawl-karka ahaaye

 

Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye

 

Hootada afaysani boqnaha igama heerteene

 

Dhammaan hoobaladii may-qaxeen hibadu saarrayde

 

 

Hayeeshee habeen guule-baad heli habeen dhowe

 

Had' aan sii fogayn waxaad fishaa heego iyo roobe

 

Hillaac caafimaad baa ku mari hogol daruureede

 

Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude

 

Hor ilaahay waan kaa xorayn hawsha kuu timiye

 

Insha'llah hoy nabad gelyaa lagugu soo hoyne.

 

 

Gabaygaa Qaasim wuxuu tiriyey 1984. Waxaad u fiirsataa farxaddii 1960 ee uu ku farxay calankii ugu horreeyey ee dhul soomaaliyeed laga taago iyo dareenka maansada Hargeysa oo uu tiriyey 24 sannadood ka dib. Labada maansoba waxay taabanayaan dareenkii markaa jiray. Kamuu gabban ee wuu toogtay labada jeerba. Maansada "Mugdi" oo uu abwaanku tiriyey 1964-kii bal aynu eegno dareenkii xilligaa jiray iyo sida uu uga hadlayo. Farshaxannimada heerka sare ah ee uu abwaanku adeegsaday bal si dhugmo leh u eeg oo dhuux qaabka uu u sawirayo iyo dareenka uu gudbinayo. Tusaalayaasha uu soo qaadanayo ayaa ah kuwo inoo caddaynaya miisaanka gabayga iyo macnaha uu xanbaarsanyahay.

 

 

Mugdibaan ka gacan haadiyaa Maxamed Kaydoowe

 

Geelbaan maqaarkaw sidaa midi ka dhiiqayne

 

Soomaali midab doorsantay-baan meeday leeyahaye

 

Murti samada lagu laalaybaan muhindisaayaaye

 

Dad musbaar dhegaha kaga jiraan maqal ka tuugaaye

 

Mawdkii adoogay dilay-baan meel dhow ka arkaaye

 

Mindidii boqnaha iga jartaa madaxa ii taale

 

Noloshuba macaan maleh haddanad magac ka reebayne.

 

 

Lasoco qaybta labaad.

 

 

Qore: Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"

 

Sweden/Stockholm

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Milicsiga maansooyinkii Abwaan Qaasim

 

Dayaxaa la kala boobayaa iyo dirirkii cawleede

 

Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray'e

 

Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa daafe

 

Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiye

 

Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro'e

 

Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye

 

Daruuraha la weeraray nin ogi dib uga faallooye

 

 

U fiirso tusaalayaasha runta ah ee uu abwaanku inna tusinayo. Wuxuu dadka u sheegayaa 1964-kii in Ruushku samada u socdo, in rag badan oo kalena ay xiddiga higsanayaan. Waxaynu xasuusannahay "Dagaalkii xidigaha" ee siddeetamaadkii dhexmaray Ruushka iyo Maraykanka. Hadaba aragtida Abwaan, Qaasim oo xilligaa ahaa nin dhallinyaro ah, wuxuu doonayey in raggaa lala tartamo, waana guubaabo ilaa maanta nool. Intaa marka uu dhaafo ayuu qeexayaa halka isaga iyo dadkiisii ay taagan yihiin.

 

 

Nin da'dii halkaa gaadhay oo daallanbaan ahaye

 

Hayeeshee dabkeedu ha ba'ee doqoni waa mooge

 

Daab godina sooma jarin wiilashaan diraye

 

Halka dunida lagu geeddi yahay deyiba maayaane

 

Umaddii daryeel weli mahelin daacadda ahaaye

 

 

Sidii bay u dooyeysantahay damashii weyneyde

 

Sidii bay duleedada dharli'i ugu dabjeexaane

 

Sidii baa du'dada aar dhiciyo dacaw u joogaaye

 

Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha'e

 

Sidii bay docu aqalladii uga daloolaane

 

Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaaye

 

Sidii baa degmadu ceelashii ugu darleeftaaye

 

Sidii baa ducaaloow! biyaha loo dawariyaaye

 

Sidii bay u daba goosi tahay haradii Dooloode

 

 

Oo weliba dibindaabyo-iyo diriri joogtaaye

 

Waakaa dareersaday Axmaar dayr cadkii dhalaye

 

Danbi ku hadli maayo'e ma'arag dawladdaan rabaye

 

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye

 

Dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye

 

Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e

 

Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey

 

Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay

 

Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay

 

Sidii aan deyeysanahay miyaan dawgii ka habaabay

 

 

Waxba hadalku yuu iladurkine waxan ku soo duubay

 

Mar uunbuu dafsoo odhan nabsigii diinku soo sidaye

 

Mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiye

 

Dirridaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiye

 

Dibjirkiyo reer miyigu marbay daasadaa qubiye

 

Mar uunbuu digiigixan raggii daalanaan jiraye

 

Dibnihii shakaallaa marbaa dooda loo furiye

 

Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonaaye.

 

 

Abwaan, Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasim" wuxuu gabaygaa ku sheegay meesha dunidu ku socoto iyo halka aynu xilligaa taagnayn (42sannadood dabadeed weli halkii baynu joognaa). Abwaanku muu rajo dhigin ee wuxuu gabayga ku soo gunaanaday rajo wanaagsan. Ilaa maantana rajadaas baynu qabnaa. Sannadihii lixdamaadkii ayuu Qaasim si aad u qiimo badan u soo gudbiyey gabayo aan ilaa maanta qaar u dhigma lahayn. Sida gabayga kor ku xusan oo kale waa gabay, bixinaya cashar oo aad ka dhex arkayso ujeedada oo dhan. Hadii ay dhalliil tahay, haddii ay wax-sheegtahay iyo inaan la quusan. Waxaan ku soo afmeerayaa milicsigii maansooyinka Abwaan Qaasim Gabaygan hoosta ku qoran oo uu abwaanku curiyey 1960kii, waana maanso la magacbaxday "Gobaad".

 

Hashaan gaaxinayaan lahaa gorofka way buuxin

 

Geyaxa hashaan kaga xidhxidhay gabantii nuugaysay

 

Geedkii magoolaba hashaan uga garaacaayey

 

Gaaroodi iyo Hawd hashii laba gardaaqaysay

 

Wax-layidhi haddaa goodirkii lagu gabraartaaye

 

Waxla yidhi golbaa lagu dabraa geed-waraabe leh'e

 

Wax-layidhi gujaa lagu lisaa labada gooroode

 

Wax-la yidhi gal daayeer cabbaa habari geysaaye

 

Golqaniinna waa loogu daraa yaanay gaagixine

 

Wax-layidhi gomode naasihii giigsanaan jiraye

 

Gobaad waxay la daaqdaa sagaal goroyocaw-loode

 

Googooye! iyo wiil xunbaa gaawahaw sido'e

 

Wallee ama gumooboo sidaa layga gallad haysay

 

Walle ama rag ways gaadayaa gacan ku ciil beelay.

 

 

Waxa hubaal ah in dhallinyaro badan oo maanta joogta, haddii ay gabayadaa akhriyaan aanay waxba ka fahmaynin. Waa ayaan darro oo afkaagii iyo sarbeebtaadii afkaagu lahaa oo aad garan weydaa waa nacasnimo. Xataa dad badan oo aan ku korin qurbaha oo maanta dalkii hooyo ku sagan ayaan garanayn ujeedada iyo macnaha gabayadaasi xanbaarsanyihiin. Hasha uu Qaasim ka hadlayaa waa tee. Gobaad waa tuma. Neefkan geela ah ee darxumada ku nool ee uu abwaanka u doodayaa waa maxay. Runtii abwaan Qaasim qaabka uu u dhigayo gabayadiisu waa mid soo jiidanaysa dareenka qofka fahmaya. Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasim" wuxuu innaga mudanyahay billad geesi. Wuxuu innaga mudanyahay in la qoro maansooyin-kiisii oo si qoto dheer loo qeexo erayada adag ee ku jira gabayada. In ujeedada maansadu xanbaarsantahay la dooxo oo sharraxaad qofkastaaba fahmi karo lagu qoro.

 

 

Dhammaad.

 

 

Qore: Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"

 

gacanlibaax2001@yahoo.com

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Sun, 13 Aug 2006 00:00:00 -0700

 

Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil “Qaasinâ€

 

Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil “Qaasinâ€

 

Inaali laahi wa inaa ileyhi raajicuun

 

Hawl-wadeennada Ururka dhaqanka, afka iyo Suugaanta ee Aftahan Org, waxa ay tacsi u dirayaan dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo idil ahaan bah-weynta curshaaga iyo hal-abuurka af soomaaliga ku hadla, iyagoo uga tacsiyadeynaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee - abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin) oo Sabtidii 12/08/06 ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

 

Qaasin alle ha u raxariistee waxa uu ka mid ahaa buuni ay tixdiisu carceertay oo ka caanbaxay dhulalka ay soomaalidu degto. afsoomaaliga laga hadlo, ruug-caddaaga hal-abuurka casriga ah ee soomaalida. Qaasin wuxuu ahaa maansayahan Ilaahay hibo u siiyey curinta maanso xigmad iyo miisaan leh oo hal-hays iyo hal-ku-dhig ba noqotay “Waxaan ahay qadhaadh iyo macaan meel ku wada yaalâ€.

 

Taariikhda ayaa xusi doonta kaalinta uu kaga jirey halgankii gobanimo-doonka iyo kii caddaalad-doonkaba iyo quruxda farshaxanimo ee ay maansadiisu xambaarsanayd, iyo sida uu dareenka bulsho uga turjumi jirey. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.

Waxaan shaki ku jirin in maansooleydii soomaalida maalinba mid iilanayo oo Alle oofsanayo, xaqiina ku soo degayo. Waxayse is weydiintu tahay; sidee looga faa’iidaystay ama intee in le’eg oo murti iyo maanso ah ayaa lagala hadhay? Waxa kale oo yaab leh, sida joogtada ah ee ay isugu xig xigaan. Waxa saddexdii sanno ee ugu dambeeyey geeriyoodey, Jaamac-gacmadheere, Yuusuf X. Aadan, Ibraahin-gadhle, Yamyam iyo Qaasin. Kolley anagoon (Aftahan ahaan) canaan badan ku lahayn, haddana annagaa uga calaacal dhow kuwo badan oo aan dareensanayn, kaalinta Abwaanka iyo aqoonyahanku kaga jiraan horumarinta afka iyo hiddaha.

Abwaan Qaasin –Kaah damay; Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaanna ha inaga wada siiyo. Aammiin.

Allaa mahad leh

AFTAHAN ORG (www.aftahan.com)

 

Mahadhadii Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasin"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this