Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkad Jarmal ah oo lagu eedeeyay inay isu dhiibtay Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkad Jarmal ah oo lagu eedeeyay inay isu dhiibtay Ruushka

Gaaska Ruushka

Mid kamid ah shirkadaha tamarta ee ugu weyn Jarmalka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in gaaska Ruushka ay ku iibsato hannaanka uu dalkaas doonayo, arrintaas oo lagu tilmaamay mid xagal daacin karta cunaqabateynta Midowga Yurub uu saaray xukuumadda Moscow.

Uniper ayaa sheegtay in kharashaadka gaaska ay ku bixin doonto euro, kadibna loo bedali doono roubles, taasoo ka dhigan in shirkadda ay qaadatay go’aanka Ruushka ee ah in gaaskiisa lagu iibsado lacagtiisa.

Shirkaddo kale oo Yurubiyaan ah ayaa la sheegay inay qaadi rabaan tallaabo noocaas, maadaama uu jiro walaac ku aaddan helitaanka gaaska Ruushka.

Uniper ayaa sheegtay in aysan lahayn khiyaar kale, balse ay weli ilaalin doonto cunaqabateynta Midowga Yurub.

“Suuragal ma aha in shirkaddeena iyo guud ahaan Jarmalka uu mustaqbalka dhaw ka maarmo gaaska Ruushka, waayo taasi waxa ay saameyn xun ku yeelan doontaa dhaqaalaha dalkeeda,” ayuu BBC u sheegay afhayeen u hadlay Uniper.

Dabayaaqadii March, Ruushka ayaa sheegay in “dalalka cadowtinimada u muujiyay” ay ku qasbanaan doonaan inay lacagtiisa roubles ku iibsadaan shidaalka iyo gaaskiisa, si uu uga kabto culayska dhaqaale ee ka soo wajahay cunaqabateynta ay saareen waddamada Galbeedka.

Go’aanka Ruushka ayaa ah in shirkadaha Yurubiyaanka ah ay dollar ama euro ku shubaan bangiga Gazprombank ee uu dalkaas ku leeyahay Switzerland, kadibna ay lacagtaas u bedalaan roubles kuna xawilaan akoon ku yaalla Moscow.

Golaha Yurub ayaa todobaadkii hore sheegay in haddii shirkadaha iibsanaya gaaska Ruushka ay marka hore bixiyaan lacag euro ah, aanay taasi meel ka dhac ku ahayn xayiraadda dhaqaale ee saaran Moscow.

Hase yeeshee waxaa jira dad ku doodaya in tallaabada noocaas ah ay tahay qaab looga baaqsanayo cunaqabateynta saaran Ruushka, isla markaana uu meesha ka muuqdo dowrka bangiga dhexe ee waddankaas.

Dowladaha Poland iyo Bulgaria ayaa Khamiistii diiday inay gaaska ku iibsadaan roubles, waxaana Ruushka oo taa ka jawaabaya uu xiray dhuumaha gaaska u qaada labadaas waddan.

Labada dal ayaa sheegay inay ku talo jiraan inay meel kale gaas u doontaan marka uu dhammaado qandaraaska ay shirkadda gaaska Ruushka ee Gazprom kula jiraan oo ku eg dhammaadka sanadkan.

Poland – oo kamid ah dalalka doonaya in cunaqabateyn xooggan la saaro Ruushka – ayaa sheegtay in Midowga Yurub looga baahan yahay inuu tallaabo adag ka qaado dalalka gaaska ku iibsada roubles.

Wasiirka cimilada ee Poland, Anna Moskwa, ayaa sheegtay in Jarmalka, Hungary iyo Austria aan laga yeeli doonin inay lacagta roubles ku iibsadaan gaaska Ruushka.

Xukuumadda Moscow ayaa lagu eedeeyay inay kala qeybinayso waddamada Galbeedka ee diidan duullaanka ay ku qaaday Ukraine.

Gaaska Ruushka

Gaaska Ruushka

Markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, dowladda Jarmalka ayaa joojisay mashruuca dhuumaha Nord Stream 2 ee lagu waday in Moscow ay gaaska ku gaarsiiso Jarmalka, ugana sii gudbo Yurub inteeda kale. Arrintaas ayaa dhalisay walaac ah in Yurub ay wajihi doonto gaas yari baahsan.

Qiimaha gaaska ee Yurub ayaa aad sare ugu kacay bilihii la soo dhaafay, waxaana dowladaha uu cadaadis ka soo fuulay qoysaska dakhligoodu hooseeyo.

Yurub ayaa ilaa haatan iibsata shidaalka iyo gaaska Ruushka, inkastoo ay sheegtay inay dhimayso ku tiirsanaanta dalkaas.

Sanadkii la soo dhaafay, kharashaadka ay bixisay dowladda Ruushka ayaa 36% ka yimid dhakhliga tamarta.

Lacagtaas u soo xarootay ayaa inteeda badan waxaa bixiyay Midowga Yurub oo 40% gaaska ka hela Ruushka halka 27% shidaalkana uu ka soo dhoofsado waddankaas.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee ururkaas, Josep Borrell, ayaa maalmo ka hor sheegay in “maalintiiba ay bilyan Euro dhakhli ahaan u siiyaan Ruushka”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this