Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Khilaafka Komishanka ka dhex qarxay & Doorashada Madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   
OO MUXUU KU DIIDI WAABA DAHAB EH
komishan.jpg
Ama rumayso ama ha rumaysan. Ama mucaaridku ha diidaan ama ha la jiidhsiiyo oo ha yeelaane sadexdii doorasho tii ugu dambaysay ee Muuse Biixi uu gacantiisa ku dilay waxay noqotay Doorashadii Madaxtooyada ee muddaysnayd 13ka November. Khilaafkan aan jirin ee beenta ah ee la inooga dhigayo in uu ka dhex qarxay Komishanka Doorashada ayaan ahayn wax iska yimi ee ah qorshe ay ka wada socdaan Komishanka iyo Madaxwaynuhu. Markii hore kutalogalku wuxu ahaa in Ciidda ka dib ay dalka ka bilaabanto Diiwaangelintii Codbixiyuhu mana u muuqato eh ku darso xisaabta. Ugu yaraan laba bilood sheekadan khilaafka Komishanku way jiitami xalkuna ugu dambaysta cidda go’aanka kama dambaysta iska lihi waa Madaxwaynaha ama Maxkamad ha u gudbiyo ama Komishankaba ha kala diro ama ha isku soo celiyo eh. Markaa mucaaridku hadii aanay lahayn “plan B” ka dib marka uu Muuse burburiyo xataa diorashadii keli ahayd ee qabsoomi karaysay sanadkan saw tii uu doonayay noqon mayso oo kursiga ilaa inta uu doono iskaga fadhiyo maaha. Oo muxuu ku diidi waaba dahab eh

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this