Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalida Jigjiga oo ka gilgilatay xasuuqa FANO u geysatay Muslimiinta Amxaarada

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220429_002327072.jpg?resiSoomaali badan ayaa caawa afurkii kaddib si adag uga gilgishay xasuuqa FANO u geysatay Amxaarada Muslimiinta ah.

Jigjiga (Wararka PP) — Dad gaaraya kun qof oo Soomaali ah ayaa caawa afurkii kaddib iskugu soo baxay Jigjiga iyagoo si adag u cambaaraynaya xasuuq xagjirka Amxaarada FANO ugu geysteen Gondar Muslimiinta Amxaarada.

IMG-20220429-WA0002.jpg?resize=390%2C531Mustafe Cumar, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ugu yaraan 21 qof ayay burcadda FANO ku laayaan Gondar, waxayna gubeen dhowr masaajid. Isu soo baxan dhiirranaantu ka muuqato wuxuu dhabarjab weyn ku yahay FANO oo hoggaankeedu xodxodanayay madaxda sarsare ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa xasuuqa Gondar ka dhacay ku tilmaantay “dhacdo”.

Muuqaal muujnaya isu baxa Soomaalidu caawa ka samaysay Jigjiga si ay u cambaareeyaan xagjirka Amxaarada ee FANO.

© Puntland Post, 2022

The post Soomaalida Jigjiga oo ka gilgilatay xasuuqa FANO u geysatay Muslimiinta Amxaarada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this