Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacdiyo Xaaji oo Ku Guulaystay Ku-xigeenka Koowaad Ee Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Samatar ayaa ku guulaystay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomalaiya, waxaana doorashada wareegii labaad ay kaga guulaystay Maxamed Cali Cumar Caananuug oo ahaa musharraxii kula tartamay kursiga ku-xigeenka koowaad.

Sacdiya oo wareegii koowaad kusoo gudubtay 52 cod ayaa waxaa ay wareegii labaad heshay 133 cod, halka musharrax Caananuug oo kusoo gudbay 58 cod uu wareegii hore uu helay 108 cod wareegii labaad ee loogu tartamayay, Sacidiya Xaaji Ismaaciil ayaa waxaa laga soo doortay deegaannada maamulka Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa waxaa in badan lagu tiriyaa in mucaarad ay ku aheyd taliska Villa Soomaaliya, waxaana lagu tiriyaa xisbiga UPD uu hoggaamiyo madaxweynihii hore dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuug, halka Caananuug uu ka tirsanaa Xisbiga Himilo eeSheekh Shariif .

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this