Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Sacdiyo Yaasiin iyo C/llaahi Abshiroow oo ku guuleystay Guddoomiye kuxigeenada BF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gabagabeeyay doorashadii guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka, waxaana ku guuleysatay Sacdiyo Yaasiin Samatar oo heshay 137 cod halka murashaxii la tartamayay Maxamed Cumar Caana-Nuug uu ka helay 107 cod.

Waa markii ugu horeysay taariikhda Somalia oo ay ku guuleysato haweeney guddoonka baarlamaanka Somalia, iyadoo Xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin Samatar ay ka guuleysatay murashaxii la tartamayay ee Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug).

Xildhibaan Caana-nuug ayaa aqbalay natiijada, isagoo sheegay inuu la shaqeynaayo guddoonka cusub ee baarlamaanka mudada afarta sano ee soo socota.

Guddoomiye Sacdiyo ayaa iyadana u mahad celisay xildhibaanada ku aaminay codkooda, iyadoo sheegtay in balantii ay qaaday ee khudbadii ay ka hor jeedisay xildhibaanada ay ku shaqeyn doonto, waxayna u mahad celisay dhinacyadii kala duwanaa ee lasoo shaqeeyay.

Sidoo kale, Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo codod dhan 146 kaga guuleystay Mahad Cabdalla Cawad oo ku haray 91 cod.

Cawad iyo Abshiroow ayaa si wada jir ah ugu mahad celiyay xildhibaanadii codka siiyay, iyagoo sheegay inay si wada jir ah baarlamaanka ugu wada shaqeyn doonaan.

Xildhibaan Abshiroow oo horay u ahaa wasiir kuxigeenka kalluumeysiga ee xukuumadda RW Rooble ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono isbadalka dhacay.

Sacdiyo Yaasiin ayaa waxaa lagu xusuustaa inay caan ku aheyd doodaha baarlamaankii 10- inaad ka dhex muuqato iyadoo fikirkeeda ay ku dhaliili jirtay guddoonkii hore ee baarlamaanka iyo madaxweyne Farmaajo.

Labada Guddoomiye kuxigeen ayaa isla goobta lagu dhaariyay, iyadoo amaankooda ay la wareegeen ciidamada amaanka.

The post DEG DEG: Sacdiyo Yaasiin iyo C/llaahi Abshiroow oo ku guuleystay Guddoomiye kuxigeenada BF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this