Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Ruushka iyo Maraykanka oo maxaabiis is weydaarsaday

Recommended Posts

Deeq A.   
8e2ce646-b404-433b-b56f-9f257142e1ce_cx0

Dowladaha Ruushka iyo Mareykanka ayaa  isweydaarsaday maxaabiis inkasta oo ay u dhaxeyso xiisad ka dhalatay dagaalka Moscow ay ku qaaday Ukraine.

Ruushka ayaa Maraykanka ku wareejiyay askari horey uga tirsanaa ciidamada Mariiniska Mareykanka, ayada oo ku beddelatay duuliye Mareykanka loogu xiray inuu soo geliyey daroogo.

Trevor Reed, oo ah 30 jir kasoo jeeda gobolka Texas oo lagu xiray Ruushka 2020, ayaa lagu beddeshay Konstantin Yaroshenko oo ah 53 jir Mareykanka ku qaadanayey 20 sano oo xabsi ah oo lagu xukumay 2011.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in maxaabiis isweydaarsiga ay dhacday Arbacadii kadib “hanaan wada-xaajood oo muddo socday.”

Joey Reed oo ah aabaha Trevor ayaa CNN u shegay in maxaabiista la isku weydaarsaday dalka Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Dowladaha Ruushka iyo Maraykanka oo maxaabiis is weydaarsaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this