Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijada Wareega kowaad ee doorashada Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goordhow soo dhammaaday wareegga koowaad ee doorashada guddomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa waxay murashaxiinta codadka u kala heleen sida soo socota.

  1. Maxamedweli Cabdalle Axmed: 59 cod
    2. Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug): 58 cod
    3. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar: 52 cod
    4. Khadiijo Maxamed Diiriye: 21 cod
    5. Cabdikariin Abdow Xayder: 15 cod
    6. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego): 12 cod
    7.Cabdiraxmaan Cabdiqadir Cadde: 8 cod
    8. Saciid Maxmed Maxamuud Xayd: 7 cod.
    9. Maxamed Nuur Abuukar: 5 cod
    10. Maxamed Cumar Cimow: 4 cod

    Ma jirin musharax helay 50+1 oo ah 139 cod si uu tartanka ugu guuleysto, taasi oo qasab ka dhigeysa in wareega kale oo doorasho la galo.

Waxaa wareegga labaad u gudbaya afarta murashax ee ugu codadka badan, hase yeeshee laba murshax ayaa sheegay in ay tanaasuleen, kuwaas oo kala ah Maxamedweli oo galay kaalinta koowaad iyo Khadiija Diiriye oo gashay kaalinta afaraad.

Khadiija Maxamed Diiriye oo heshay 21 cod ayaa u tanaasushay Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) halka Maxamedweli Cabdalle Axmed oo helay 59 cod uu isna u tanaasulay Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa ku tartami doona Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) iyo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ka tirsan Mucaaradka.

PUNTLAND POST

The post Natiijada Wareega kowaad ee doorashada Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this