Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdogan Oo Booqasho Ku Tegaya Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa booqasho ku tegaya dalka Sucuudiga bilo kadib markii ay xidhiidhka labada waddan caadi ka dhigeen dhinacyadu.

Erdogan wuxuu la kulmayaa boqorka Sucuudiga iyo dhaxal sugaha boqortooyada inta uu joogo gudaha Sucuudiga.

Ujeedada booqashadan ayay dawladda Turkigu ku sheegtay mid lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya labada waddan, iyagoo ka wada hadli doona arimaha gobolka ka taagan ee siyaasadda iyo amnigaba leh.

Turkiga iyo Sucuudiga ayay xurgufi soo kala dhex gashay kadib markii qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul lagu dilay wariye Jamal Khaashuqji oo Sucuudiga u dhashay una doonanayd gabadh Turkiga u dhalatay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this