Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo maanta la dhammaystirayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Gudoon.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la dhammaystiro islamarkaana la doorto Labada Guddoomiye ku xigeen.

Ilaa 10 musharrax oo ay ku jiraan Haween ayaa u taagan Xilka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ayaa sidoo kale waxa u sharraxan ilaa 7 Xildhibaan oo uu ku jiro Guddoomiye ku xigeenkii Labaad ee Baarlamankii 10-aad Mahad Cabdalle Cawad.

Fadhiga waxaa shir-guddoomin doona Guddoomiyaha cusub ee Xalay loo doortay Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe).

PUNTLAND POST

The post Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo maanta la dhammaystirayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this