Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo shaacisay jadwalka doorashada ee HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya deegaanada maamulkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in 29 bishan April la shaacinayo guddiyada soo xulayo ergada doorashada ee kuraastaasi oo kala ah:- HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135, waana kuraastii u dambeysay ee ku harsaneyd HirShabelle.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in doorashada kuraastan la qaban doono maalinta Sabtida ah oo ku beegan 30 bisha April ee sanadka aynu ku jirno 2022-ka.

Saddexdaan kursi laba ka mid ah deegaan doorashadooda waa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halka midka kalena uu yaallo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Yaa ku fadhiyey?

HOP#135 waxaa ku fadhisay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo dhowaan iyada oo musharrax aheyd lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne.

HOP#141 waxaa ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kaas oo haatan wajahaya loolan adag.

HOP#146 waxaa ku fadhiyey Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, balse 4 sano ee soo socota waxaa kursigan lagu sharfay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo la filayo inuu kusoo baxay kursigaasi.

Doorashada kuraastan oo aad loola daahay ayaa waxaa sabab looga dhigay khilaafaad in muddo ah ka taagnaa sida loo wajahayo hannaanka qabashada ee doorashadaasi.

FB_IMG_1651120832893-1.jpg?resize=541%2C

 

The post HirShabelle oo shaacisay jadwalka doorashada ee HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this