Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Cusub ee Barlamaanka Somalia oo Gudoomiye Cusub doortay+Farmaajo & Rooble oo ka hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Cusub ee Barlamaanka Somalia oo Gudoomiye Cusub doortay

 madoobe.jpg

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay ayna hareeyeen caqabado.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod.

Guusha Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo afjareysa xaalad hubanti la’aan ah oo dalka uu ku jiray in ka badan sanad, waxayna ka dhigan tahay inay hadda dhisan yihiin labadii hay’ad ee sharci-dejinta islamarkaana ay leeyihiin guddoon.

Guushan ayaa ka dhiggan guul usoo hoyatay mucaaradka iyo isbeddelka doonka diidan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga iyo kooxdiisa ay aad u taageerayeen Xasan Cabdinuur.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, hase yeeshee waxaa guushiisa kaalin wanaagsan ka wada qaatay dhammaan Midowga Musharaxiinta iyo qaar ka mid ah madaxweyne goboleedyada dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Waa markii labaad ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, isaga oo sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010. 

Doorashada ayaa qaadatay in ka badan 5 saac, waxayna timid kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan.

Ugu dambeyn ayaa waxaa codeynta laga reebay 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga.

Halkan ka akhri Wuxu ka yidhi Farmaajo Qadiyadan Doorashada Sheekh Aadan madoobe:-

Madaxweynaha JFS Mudane @M_Farmaajo ayaa hambalyo u diray Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. pic.twitter.com/H9txh1Xp8V

— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) April 27, 2022

Halkan Hoose ka akhri Wuxuu ka yidhi Ra’iisul-wasaaraha Somalia Doorashadan:-

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe,isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas'uuliyadda loo igmaday. pic.twitter.com/ZhIdNUQO2v

— SomaliPM (@SomaliPM) April 28, 2022

Guusha Aadan Madoobe ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo kale, ayada oo la filayo inay dhabbaha u xaarto in xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq ay toos uga mid noqdaan Golaha Shacabka. 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this