Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka dhigan tahay Guusha Aadan Madoobe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Faallo PP) — Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa mar labaad noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya. Wuxuu la soo shaqeeyay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka hor inta aan xilka laga qaadin si Shariif Xasan oo xoogaggii Muqaawimada ka tirsanaa u noqdo Guddoomiye mar labaad.

Dad badan ayaa qaba in Aadan Madoobe aad ugu dhow yahay Shariif Sheekh Axmed. Aadan Madoobe wuxuu ahaa murrashax ay Midowga Murrashixiintu ku mideysan yihiin. Guushiisu waxay loollan adag ka dhex abuuraysaa Damuljadiid iyo Aala Sheekh oo 2017kii loollankoodu fursad siiyay Madaxweyne Farmaajo oo uu 2016kii gorfeeye ku tilmaamay murrashax “ololihiisii ka socday Facebook”.

Dhowr maalmood ka hor gorfeeyayaasha qaarkood waxay saadaalinayeen in isbahaysiga dadban ee Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay leeyihiin fursad ay kaga badiyaan Madaxweyne Farmaajo. Ma jiro murrashax kooxaha isbeddeldoonku ku mideysan yihiin. Tani waxay walaac badan ku abuuraysaa dadka doonaya isbeddel siyaasadeed heer madaxtooyo uu ka dhaco Soomaaliya sababtoo ah saaka waxaa billowday loollan adag oo dhexmaraya murrashixiinta.

PhotoCollage_20220428_043048550.jpg?resiSheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Sheekh Axmed way soo wada shaqeeyeen ka hor intaysan kooxda Aala Sheekh soo dhisin Shariif Xasan si uu dib ugu qabsado Guddoomiyenimada Aqalka Hoose.

Guusha Aadan Madoobe waxay Madaxweyne Farmaajo ka badbaadinaysaa in lagu eedeeyo qabsashada xeerdejinta (Aqalka Hoose) oo hoggaankiisii uu aad madaxtooyada ugu dhowaa. Haddii sida loo dhigayo Aadan Madoobe ku dhow yahay Shariif Sheekh Axmed, isbeddel siyaasadeed muu dhici doono; Soomaaliya waxay u badan tahay in taliskii labaad ee Aala Sheekh (oo Muqaawimada ka soo jeeda) uu Villa Soomaaliya mar kale soo dego.

Shaqada ugu horreysa oo hor taalla baarlamaaka 11aad waa xallinta muranka doorashada Gedo, oo xildhibaannadoodu ka maqan yihiin baarlamaanka. Miyuu baarlamaanka cusubi taageeri doonaa heshiiskii 17kii Sebteembar mise go’aan cusub buu ka qaadan doonaa kuraasta maqan ee Jubaland? Waxa yaraatay kaalinta uu Ra’iisal Wasaare Rooble ku leeyahay maamulidda doorashada. Wuxuu taageeray hal dhinac oo ka mid ah dhinacyada isku haya siyaasadda Jubaland. Shariif Sheekh Axmed uma hambalyaynin xildhibaannada Ceel Waaq lagu doortay, halka Deni iyo Xasan Sheekh Maxamuud u hambalyeeyeen.

Way adag tahay in la saadaaliyo natiijada doorashada madaxweyne dhowaan dhici doonta, waxaa cad in guusha Aadan Madoobe kala qeybisay murrashixiin soo bixistiisa u arkayay waddada lagaga guuleysan karo Madaxweyne Farmaajo.

© Puntland Post, 2022

The post Maxay ka dhigan tahay Guusha Aadan Madoobe? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this