Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Hambalyo u Diray Sheekh Aadan Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka fedelka Soomalaiya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa doorasho ka dhacday Teendhada Afisyooni loogu dooray guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad Jamhuuriyadda.
“Guddooniyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Hambalyo u diray Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo caawa loo doortay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS. Wuxuna Allah uga baryay in uu la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay, waafajiyana danta Qaranka” ayuu yiri.

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa caawa doorashadii ka dhacay xerada xalane eendaabka ku yaalla, kadib markii uu codad gaaraya 163 cod uu kaga adkaada musharraxii la soo gaaray wareegga labaad ee doorashada Xasan Cabdi Nuur oo dhankiisa helay 89 cod codadkii guud ee la dhiibtay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this