Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Aadan Madoobe oo Ku Guulaystay Guddoomiyaha golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe  ayaa caawa ku guulaystay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad Jamhuuriyadda federalka, kadib markii wareega labaad ay isla soo gaareen Xasan Maxamed Cabdi, oo musharraxa kale.

Sheekh Aadan Madoobe  ayaa ka  helay codadkii xildhibaannada golaha 163 cod, halka Xasan Maxamed Cabdi uu helay 89 cod, waxaana isla goobta ay ka dhacday doorashada lagu dhaariyay guddoomiyaha cusub ee  Baarlamaaanka 11-aad  JFS.

Musharraxii laga guulaystay ayaa goobta uga mahadceliyey xildhibaannada doortay iyo kuwa aan dooran intabada, waxaana uu sidoo kale hambalyo uu u diray guddoomiyaha cusub ee la doortay ee kaga adkaaday tartanka Sheekh Aadan Madoobe.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this