Sign in to follow this  
Deeq A.

Aaden Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Madoobe.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Xildhibaan Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Aaden Madoobe ayaa wareegii labaad ee Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ku guulaystay kadib markii uu helay 163 halka Musharrixii Wareeggaas kula tartamay ee Xasan Cabdinuur uu helay 89 cod oo keliya.

Xasan Cabdinuur oo taageero xooggan ka haysta Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Wareeggii kowaad  helay 98 cod taas oo ka dhigan in uu wareegii labaad lumiyay 9 cod.

Guddoomiyaha cusub ee Aaden Madoobe oo isna taageero ka haysta dhinacyada Mucaaradka ayaa Wareeggii kowaad helay 74 cod halka Wareegga labaad ay ku kordheen 89 cod.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka isaga oo sheegay inuu ku qanacsan yahay habka doorashadani u dhacday oo uu ku sheegay inay tahay doorasho xor ah oo xalaal ah.

Aaden Madoobe ayaa hore u soo qabtay xilka Guddoomiyaha baarlamaanka intii u dhexeysay sannadihii 2007 illaa 2010. Sidoo kale wuxuu soo qabtay xilal wasiirnimo oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Caddaaladda iyo Ganacsiga.

Halkaan ka daawo taariikh Nololeedka Gudoomiyaha cusub

PUNTLAND POST

The post Aaden Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this