Sign in to follow this  
Deeq A.

TOOS: Daawo wareegga labaad ee doorashada oo laba musharax ay isugu soo hareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda la guda galay wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo lagu kala bixi waayey wareegii koowaad.

Labo musharax ayaa u gudubtay wareegga labaad ee doorashada, kuwaas oo kala ah, Xasan Cabdinuur oo wareegii koowaad helay 98-cod iyo Sheekh Aadan Madoobe oo isna wareegii koowaad helay 74-cod.

Cabdulaahi Black oo wareegii koowaad helay 33-cod iyo Aadan Saransoor oo isna wareegii koowaad helay 24-cod, isla markaana fursad u heystay inay u gudbaan wareegga labaad ayaa u tanaasulay Sheekh Aadan Madoobe.

Wareegii koowaad waxaa codadka loo kala helay sidaan:

1- Xasan Cabdinuur 98-cod
2- Sheekh Aadan Madoobe 74-cod
3- Cabdulaahi Black 33-cod
4- Aadan Saransoor 23-cod
5- Shariif Maxamed Cabdalla 13-cod
6- Cabdirashiid Maxamed Xidig 6-cod
7- Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi 5-cod.

Hoos ka daawo codeynta doorashada

The post TOOS: Daawo wareegga labaad ee doorashada oo laba musharax ay isugu soo hareen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this