Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijada wareega kowaad ee doorashada guddoonka Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220428_000156194.jpg?resi

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa hoggaaminaya natiijada wareega kowaad ee doorashada guddoomiyaha Galaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xasan Cabdi Nuur ayaa helay 98 cod, halka Sheekh Aadan Madoobe uu helay 74 cod, sidoo kale Cabdullaahi Black ayaa 33 cod, Aadan Saransoor wuxuu helay 23 cod, Shariif Cabdalla ayaa isna helay 13 cod, Cabdirashiid Xidig wuxuu helay 6 cod, halka Saadiq Cabdulaahi helay 5 cod.

Afarta musharax ee Xasan Cabdi Nuur, Sheekh Aadan Madoobe, Cabdullaahi Black iyo Aadan Saransoor ayaa u gudbaya wareega labaad ee doorashada afhayeenka Golaha Shacabka.

PUNTLAND POST

The post Natiijada wareega kowaad ee doorashada guddoonka Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this