Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/W Rooble, Shariif, Xasan, Deni iyo xubno kale oo yeeshay kulan xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka iyo kan doorashada ayaa ka dhacay saldhiga Booliska ee AirPort-ka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeybgalay Taliyihii xilka laga qaaday ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka JFS.

Kulanka ayaa waxaa xoogga lagu saaray in xildhibaanada loo ogolaado inay soo galaan Teendhada Afisyooni oo la filayo in saacadaha soo socdo lagu qabto doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Kulanka kadib ayaa waxay wararka sheegayaan in xildhibaano badan oo kor u dhaafayo 100 ay gaareen hoolka Afisyooni oo ay horey ugu sugnayeen xildhibaano tiro yar oo mucaaradka u badnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa illaa saaka xirtay waddooyinka soo gala Garoonka diyaaradaha iyo Xerada Xalane, waxaana howshaan gadaal ka riixeysay Villa Somalia oo diidan inay kulanka ka qeybgalaan xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Dhabancad ayaa sheegay inay ka go’an tahay in Maanta la qabto kulanka Golaha Shacabka si loo doorto guddoomiyaha cusub.
278917599_539562377526109_66634544850240 279301585_539564304192583_37206124800628 279432923_539564327525914_59361781262737 278926436_539564224192591_15235740903905

The post Sawirro: R/W Rooble, Shariif, Xasan, Deni iyo xubno kale oo yeeshay kulan xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this