Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Xilka Qaadista Lagu Sameeyay Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo Xisbiga WADDANI u qaabilsan Komishanka doorashooyinka ayaa si kooban uga hadlay isbedelka ka dhacay hoggaanka Guddida Doorashooyinka Qaranka oo maanta guddoomiye cusub doortay

“Komishanka Doorashooyinka Qaranka dorraad, shalay iyo maantaba waanu joognay wax xaalad iyo dhib ah oo ka taagganna maanu arag sideedii bay nabad u ahayd. Intii laga tagi waayo Komishanka ayaa laftoodu dhexdooda isbedel sameeyay oo guddoomiye cusub doortay anagana guddoomiye kasta oo la doorta waa isugu kayo mid 7 xubnood ee Komishanka Qaranku.

Komishanka Xeer iyo nidaam baa siiyay in ay dhexdooda isbedeli karaan wax cusubna naguma ah oo aanu danayno iyagana xaq u leh waanay noo sheegeen in isbedel dhacay ciddii hore ee joogtayna ma eedaynayno cidda timidna ma hambalyaynayno maaddaama oo aanay noo siman yihiin xubnaha Komishanku.

Isbedelkooda xeerkooda iyo nidaamkooda ayaa siiyay wax saamayn ahna kuma yeelanayso arrinta doorashada.” Ayuu yidhi Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare)

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this