Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Beesha Caalamka ka tiri xiisadda ka taagan dhameystirka doorashada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda haatan ka taagan dhammeystirka doorashooyinka dalka Soomaaliya oo marar badan dib u dhacay.

Qoraalkan ayaa waxaa Beesha Caalamka ay ku sheegtay in madaxda Soomaaliyeed ee is haya looga baahan yahay inay si nabadoon kusoo gabagabeeyaan doorashooyinka.

“Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay is xakameeyaan, isla-markaana khilaafaadka ku xalliyaan wada-hadal & isu tanaasul.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhanka kale soo dhoweeyey doorashadii guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen ee shalay lagu qabtay Teendhada Afisyooni.

“Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.

Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka.

Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

The post Maxay Beesha Caalamka ka tiri xiisadda ka taagan dhameystirka doorashada? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this