Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa ka soo laabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,halkaas oo uu uga soo qeyb galay shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saaray xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia.

Rooble ayaa shirar gaar gaar ah durba ka bilaabay aagga Afisyooni, kulamada wuxuu la leeyahay saraakiisha ATMIS iyo wakiilada beesha caalamka, wuxuuna kala hadlayaa qabashada doorashada gudoonka golaha shacabka oo buuq daran uu ka taagan yahay.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this