Deeq A. Posted April 27, 2022 Waxaa goordhaw dalka soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo ra’iisulwasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble oo safar laba maalin ah ugu maqnaa magaalada Geneva ee dalka switzerland. Rooble ayaa lagu wadaa in uu goordhaw u gudbo xarunta Afisyooni ee ciidamada cirka, halkaas oo ay ka dhaceyso doorashada guddoonka golaha shacabka. Saacadaha soo socda ayaa la filaya in doorashada guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku-xigeen ay ka bilaabato doorashadooda Afisyooni. Xarunta ay doorashada ka dhaceyso ayaa waxaa amnigeeda sugaya ciidamada howlgalka midawga Afrika ee ATMIS. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites