Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku geeriyooday Taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa Marxuumka ayaa waayihii dambe bare ka ahaa Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday xanuun ka hayey dhanka wadnaha.

Sanadkii 1933-kii ayey taariikhdu xustay in Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib uu ku dhashay degaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag.

Sannadkii 1955-kii ayuu ku biiray ciidanka booliska Soomaaliya, iyadoo sanadkii 1962-kii loo magacaabay Madaxii Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya.

Sidoo kale sanadkii 1970-kii ayaa loo magacaabay Taliyihii guud ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Sannadihii 1956-kii ilaa 1957-kii, ayey tariikhdu xustay in tababarro culus uu ku qaatay Machadkii Tababarrada ee Sheekh, kadibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.

Hoos ka eeg sawirradii Marxuumka waayihiisii ciidanka iyo xiliyadii dambe

Jaamac-Maxamed-qaalib.jpg?resize=640%2C3Jaamac-Maxamed-qaalib.jpg1_.jpg?resize=2Jaamac-Maxamed-qaalib.jpg-a.jpg?resize=6 Jaamac-Maxamed-qaalib.jpg-a.jpg2_.jpg?re

The post Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this