Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo amar deg deg ah siiyay Hawlgalka Nabad Iaalinta ATMIS

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku siiyay Ciidanka Nabad Ilaalinta ATMIS 8n ay si deg deg ah ula wareegaan Amniga Teendhada Afisyooni halkaas oo lagu qaban doono doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo tan Madaxeynaha Soomaaliya.

“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Ilaalinta ATMIS ay si dhow ula shaqayn doonaan Xafiiskiisa iyo Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka”

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay in liiska Xildhibaannada galaya Teendhada Afisyooni uu soo gudbin doono Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka islamarkaana hubin kadib Xafiiska Ra’iisul wasaaruhu u gudbin doono ATMIS.

“Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyg.”

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo amar deg deg ah siiyay Hawlgalka Nabad Iaalinta ATMIS appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this