Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray doorashadii guddoonka Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kala gooni-gooni ah ugu hambalyeeyay guddoonka cusub ee Golaha Aqalka Sare oo maanta lagu doortay Teendhada Afisyoone.

Farmaajo ayaa kula dar-daarmay Guddoonka cusub iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare in ay sii amba-qaadaan shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Waxa kale oo uu ku bogaadiyey Guddoomiyihii KMG ahaa iyo Guddigii qaban-qaabada doorashada Guddoonka, sida xilkasnimada leh ee ay u maamuleen doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ku qabsoontay hannaan dhiirri-gelinaya dhammaystirka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bogaadiyay dib u doorashada Cabdi Xaashi, isaga oo Guddoonkana ugu baryay Alle in uu ku asturo mas’uuliyadda culus ee qaran.

“Waxaa u hambalyeynayaa Guddoomiyaha GolahaAqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee JFS Sen.Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mar kale maanta la doortay iyo labadiisa ku xigeen Sen.Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sen.Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde,” ayuu R/W Rooble ku yiri qoraal uu soo saaray.

Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa soo idlaatay, ayada oo maanta ka dhacday Teendhada Afisyoone, waxaana kusoo kala baxay Cabdi Xaashi (Guddoomiye) oo helay 28 cod, Cali Shacbaan Ibraahim (Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad) oo asagna helay 28 cod iyo Cabdulaahi Cali Timacade (Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad) oo kusoo baxay 30 cod.

The post Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray doorashadii guddoonka Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this