Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Shacbaan Oo La Doortay Bisha Ramadaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goordhaw lasoo gabagabeeyay doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare oo lagu qabtay magaaalada Muqdisho.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamaayay musharixiinta kala Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdi xakiin Macalin Axmed oo kamid ah senatorada aqalka sare.

Doorashada oo wareeggii koowaad la isma mari waayay ayaa loo gudbay wareegga labaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare.

Cali Shacbaan Ibraahim ayaa helay 28 cod, halka musharax Cabdi xakiin Macalin Axmed uu helay 25 cod, waxaana sidaas ku guulaystay Cali Shacbaan Ibraahim.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this