Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Golaha Midowga Musharaxiinta ku macneeyeen guusha Cabdi Xaashi?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa war kasoo saaray doorashada guddoonka Aqalka Sare, waxayna hambalyo u direen Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markale loo doortay guddoomiyaha Golaha ee 4 sano ee soo socota.

“Midowga Murashaxiinta wuxuu hambalyo u dirayaa Senator Cabdi Xaashi C/laahi oo ku guulaystay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka 2022-2026,” ayaa lagu yiri warasaxaafadeedka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in Cabdi Xaashi uu udub dhexaad u ahaa halgankii looga horyimid muddo kororsigii labada sano ahaa ee Farmaajo.

“Senator Cabdi Xaashi wuxuu uddub dhexaadka u ahaa halgankii looga horyimid muddo kororsigii sharci darida ahaa iyo jahwareer kii siyaasadeed ee uu dalka u horseeday madaxwaynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamad C/laahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri.

Golaha ayaa u rajeeyey Cabdi Xaashi in howsha loo igmaday uu u guto si waafaqsan Dastuurka dalka iyo danta qaranka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kusoo baxay 28 cod, halka musharrax Saalax Axmed Jaamac oo ku soo xigay isna helay 24 cod, halka Dubbe uu helay 2 cod oo kaliya.

Cabdi Xaashi ayaa markale afarta sano ee soo socota hoggaaminayo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo 5-tii sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Golaha.

Ninkan oo ka mid ah rugcadayaasha siyaasadeed ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ayaa lagu xasuustaa dagaalkii siyaasadeed ee uu horey ula galay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

278580942_547478106940423_32123244913674

 

The post Maxay Golaha Midowga Musharaxiinta ku macneeyeen guusha Cabdi Xaashi? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this