Sign in to follow this  
Deeq A.

Miyuu Dastuurka Puntland Kala Saari Karaa Deni iyo Axmed Karaash?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Faallo PP) — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu soo saaray qoraal uu ku diiddan yahay go’aammo ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi (Karaash). Axmed Karaash ayaa toddobaadkii hore cuskaday dastuurka Puntland si uu si ku meelgaar ah ula wareego xilka Madaxweynaha.

Way caddahay in Madaxweyne Deni ku sugan yahay caasimadda Soomaaliya laakiin booqashadiisu ma aha mid uu kaga qeybgalayo shir. Wuxuu Muqdisho u joogaa olole siyaasadeed si uu ugu tartamo noqoshada Madaxweynaha Soomaaliya. Ololihiisu wuu saameynayaa kartida uu ku gudan karo waajibaadkiisa madaxweynenimo.

Dastuurka Puntland markii la qorayay lagama fekerin xaaladda loollanka siyaasadeed abuurtay. Markii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ku sugnaa Eldoret 2003-2004 oo uu shir dib-u-heshiisiin ka socday, ma aloosmin loollan awoodeed oo dhexmaray isaga iyo Maxamed Cabdi Xaashi, oo Madaxweyne ku xigeen ahaa. Dadka taariikhda siyaasadeed ee Puntland yaqaanna ayaa nala wadaagi kara sida looga hortagay ismaandhaaf hoggaamineed.

Ma Maxamed Cabdi Xaashi iyo Cabdullaahi Yuusuf ayaa ku heshiiyay hab Madaxweyne ku xigeenku xilkiisa u gudanayo isagoon cuskan qodobka ku saabsan maqnaanshaha Madaxweynaha ama waxyaabaha saameyn kara inuu xilkiisa gudan waayo (tuusaale u tartanka xilka Madaxweynenimo heer qaran? ) Labada waqti way kala duwan yihiin, hoggaamiyeyaashuna sidoo kale. Puntland waagaas waxay lahayd baarlamaan aysan fulintu ku adeegan karin.

Madaxweyne Deni wuxuu dhaxlay Baarlamaan ku milmay madaxtooyada. Waa sababta isbeddellada siyaasadeed iyo dimuqraadiyeynta looga mirodhalin waayo. Danaha qeybta fulinta (madaxtooyada) ayaa jiirta danaha dadweynaha. Ma jirto Maxkamad Sare oo leh madaxbannaani ay ku kala saarto Deni iyo Axmed Karaash. Ku dhowaad 24 sano kaddib asaaskii Puntland, dadweynuhu waxay isa su’aalayaan sababta Puntland u yeelan la’dahay maamuldaadejin, Isla xisaabtan heerar kala duwan (gobol iyo degmo) iyo madax siyaasadeed aan moogeyn in barakacayaal ay unkeen Puntland.

Miyuu Madaxweyne Deni mar wada fuuli karaa laba faras? Isagoo Muqdisho ka ololaynaya miyuu gudan karaa waajibaadkiisa madaxweynenimo? Dastuurka Puntland wuu ka jawaabi karaa su’aasha dambe.

© Puntland Post, 2022

The post Miyuu Dastuurka Puntland Kala Saari Karaa Deni iyo Axmed Karaash? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this