Deeq A. Posted April 26, 2022 Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa saaka u amba-baxay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu wadaa in uu Gaalkacyo kula kulmo wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali oo muddooyinkii u danbeeyay kulamo ka waday halkaas. Sidoo kale waxa la filayaa in uu kulamo la yeesho qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Gobolka Mudug. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in uu qaadi doono taallaabooyin looga jawaabayo dhacdadii Gaalkacyo ee ay ku dhaawacmeen nabaddoon Yaasiin Cabdi samad iyo taliye Koomaad. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo u amba-baxay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites