Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Garoowe ku laabanaya kadib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo ku xigeenkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu dhowaan ku laabanayo magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa ku sugan magaalada Muqdisho  halkaas oo uu ka wado ololihiisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaase intii uu Muqdisho jiray soo baxay khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash oo ku dhawaaqay in uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilka Madaxweynaha Puntland.

Lama oga Tallaabada uu qaadi doono Madaxweyne Siciid Deni kadib markii uu ku laabto magaalada Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ku laabanaya kadib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo ku xigeenkiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this